Ciidanka Dowladda oo Howlgallo Cusub Ka Sameeyay Gobolka Mudug

 

Muqdisho, 15 Agoosto 2025Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Mudug. Meelaha la beegsaday waxaa ka mid ahaa Murcudka, Wadaariq, Faarax Aadan iyo Bacadka, kuwaas oo dhamaantood hoos yimaada degmada Xarardheere.


Saraakiisha milatariga ayaa sheegay in howlgalladani ay ka qayb ka yihiin dadaalka lagu xaqiijinayo ammaanka iyo xasilloonida gobolka, iyadoo ciidanka ay sidoo kale raadinayeen xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.


Dad ku sugan deegaanka ayaa soo sheegay in ciidamada ay hub ka qabteen rag loo malaynayo inay ka qayb qaateen weerarro hore, inkastoo aan weli la xaqiijin tirada saxda ah ee la xiray.


Howlgallada noocan ah ayaa sii kordhay toddobaadyadii la soo dhaafay, xilli dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay doonayso in dhowaan Al-Shabaab laga xoreeyo deegaano badan oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta dalka.


Post a Comment

0 Comments