Cudurka Diphtheria oo Kordhay Soomaaliya

 

Soomaaliya waxaa ka taagan xaalad caafimaad oo aad u halis ah kadib markii cudurka diphtheria uu si xawli ah ugu faafay gobollada dalka. Cudurkan oo ah mid ku dhaca dhuunta iyo sanka, wuxuu sababi karaa neefsashada oo adkaata, sumowga jirka iyo dhimasho haddii aan la daaweyn.


Sanadkan keliya waxaa la xaqiijiyay in ka badan 1,600 kiis, halka 87 qofna ay u dhinteen cudurkan, kuwaas oo badankood ah carruur ka yar 15 sano jir. Waxaa kale oo la sheegay in boqolkiiba 97% dadka cudurka qabay ay yihiin carruur, taasoo muujineysa in ay si weyn u nugul yihiin.


Hay’adaha caafimaadka iyo WHO ayaa sheegay in faafitaanka cudurkan ay sabab u tahay:




Cudurka diphtheria wuxuu ahaa mid dunida intiisa badan laga ciribtiray muddo dheer ka hor, balse Soomaaliya ayaa noqotay meel uu mar kale ku xoogaystay sababo la xiriira xaaladda adag ee caafimaad iyo dhaqaale.


Post a Comment

0 Comments