Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Tarabuunka iyo Horseed. Ciidanka dowladda iyo dad shacab ah oo hubeysan ayaa isku dhaceen, iyagoo ka mudaharaadayay barakicin xoog ah. Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdadan, iyagoo eedeeyay dowladda . Madaxweynayaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed, ayaa sidoo kale si adag uga hadlay dagaalka, iyagoo ku eedeeyay dowladda inay ku lug leedahay iska hor imaad ka dhacay gudaha magaalada .

0 Comments