Laacibka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku dhaleeceeyay xiriirka kubbada cagta Yurub ee UEFA kadib markii uu soo dhigay qoraal uu ku xusayo “Palestine Pele” Suleiman al-Obeid oo aan soo hadal qaadin xidigii hore ee xulka qaranka Masar ayaa geeriyooday ka dib markii ay rasaasta Israa’iil ku haleeshay marinka Gaza.
Obeid, oo 41 jir ah, ayaa la dilay Arbacadii markii ciidamada Israa’iil ay “bartilmaameedsadeen dad sugayay gargaar bini’aadannimo oo ku sugnaa koonfurta Marinka Qaza”, ayuu ururka kubbadda cagta Falastiiniyiinta (PFA) ku sheegay bayaan.
Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa soo galiyay X: "Sagooti Suleymaan al-Obeid, "Palestine Pele" waa karti rajo siisay caruur aan la tirin karin, xitaa xilliyada mugdiga ah."
Weeraryahanka reer Masar Salah ayaa ku jawaabay isagoo soo dhigay: “Ma noo sheegi kartaa sida uu u dhintay, halkee, iyo sababta?”.
Obeid waxa uu ku dhashay magaalada Gaza, waxa uu ahaa xaas, waxa uuna u dhashay shan caruur ah. Waxa uu u ciyaaray 24 kulan oo caalami ah kooxda Falastiin.
Bishii Oktoobar 2023, Salah wuxuu ugu baaqay "madaxda adduunka inay isu yimaadaan" si ay u oggolaadaan gargaarka bini'aadantinimo ee Gaza "si looga hortago in la sii laayo nafaha aan waxba galabsan".
Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza, oo ay kicisay kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamaas ayaa weerar ku qaaday Israa'iil Oktoobar 2023, 662 qof oo ka tirsan isboortiga iyo waaxda indha indheeya ayaa la dilay, oo ay ku jiraan 321 bulshada kubbadda cagta ah, sida ay sheegtay PFA.
Salah, oo ahaa gooldhaliyaha ugu sarreeya Premier League xilli ciyaareedkii hore, ayaa lagu wadaa inuu axada Liverpool u safto kulanka Community Shield ee Wembley ay kula ciyaari doonaan Crystal Palace, oo ah daaha soo jireenka ah ee xilli ciyaareedka kubada cagta Ingariiska.

0 Comments